Real sociedad oo la soo wareegtay mcdonald mariga | somalifootball.com

Published on August 18, 2011 by Bile   ·   No Comments

Naadiga ka dhisan dalka Spain ee Real Sociedad ayaa heshiis la gaartay naadiga Inter Milan si ay amaah uga helaan xiddiga reer Kenya ee McDonald Mariga, sidaa waxaa lagu shaaciyay webka nadiga malainti Arbacada eheed.
Xiddiga 24 jirka waxa uu maray tijaabo caafimaad oo lagu guuleystay, iyadoo heshiiskaan u suurto galinaayo naadiga Real Sociedad in heshiiska amaahda ay ka dhigan karto mid joogto ah sanadka dambe.
Mariga waxa uu naadiga Inter uga soo biiray dhanka naadiga Parma bilowgi xili cayareedki 2010, kahor inti aysan ku guuleysan Champions League, Mariga ayaa noqonaya xiddigi 2aad ee Sociedad qaadato labo maalin gudohood, iyagoo qaab amaaha ku soo qaatay xiddiga u dhashay Mexico iyo Arsenal weerarka uga cayaara ee Carlos vela.

Cabdi Naafic Macalin Maxamud

[email protected]

Xiddiga Khadka dhexe ee naadiga Liverpool Alberto Aquilani ayaa lagu wadaa inuu ku biiro dhanka naadiga Difaacanaya Horyaalnimada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *